
Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan:
Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka
Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.
Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.
Adkaynta Qoondada Haweenka
Jadwalka qabsoomidda doorashada
Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan.
Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021.
Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada.
Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay.
Dhammaad