Maktabka Qadaha ee Xarakada Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay maalinta berito ay tahay soon kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay deegaano ka tirsan wilaayaatka Islaamiga ee Soomaaliya.
War kasoo baxay maktabka Garsoorka lagu sheegay in bisha lagu arkay deegaan lagu magacaabo Geelgub oo ku yaalla duleedka Masaajic Cali Guduud.

Waxaa kaloo lagu arkay deegaanka Kayaan duleedka degmada Buurhakabo iyo deegaanka Labaatan-jiroow ee Wilaayada Baay.

Maktabka qadaha ayaa xaqiijiyay in 7 ruux qofood oo Muslimiin ah ayna ku jiraan culimo laga hubiyey in ay bisha indhahooda ku arkeen, waxaana sidaas darteed uu maktabku ku dhawaaqay in maalinta berito oo sabti ah ay tahay koowda bisha barakeysan ee Ramadan.

Warkani waxaa qorey mid kamid ah waebaahinta AL shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here