Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbalan oo maalmahaan shir uga socday magaalada Garoowe ayaa ugu dambeyn soo saaray war saxaafadeed ka kooban 10 qodob.
Qodobaa madaxdu isla soo saareen waxaan ka mid ah in labada maamul si wada-jir u baadi goobaan sidii loo heli lahaa Dowladnimo dhameystiran,sidoo kale waxay bogaadiyeen dagaalada ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish kaasoo ciidamada labada maamul ay dagaal kua jiraan.
Sidoo kale waxay bogaadiyeen dagaalada Ciidamaa Xooga dalka ay kula jiraan alshabaab kuwaasoo ka socda Gobolada dalka.
Labada maamul waxay sidoo kale isku raaceen inay waxba kama jiran tahay wax ka badalka Dowlada dhexe ee dalka ay ku sameysay qodobo ka mid ah Dastuurka.
Hddaba qodobada oo dhameystiran halkaan ka akhriso:-

