Inkastoo shalay la lahaa, General Abdirashiid Gooje shaqo Qaran ayuu Doolow ka hayaa oo aheyd hogaamin dagaal Laakinse dhamaadkii uu helay abaal marin ceyrin ah-markii la wasaqeeyey magaciisa iyo magaca Beesha Wagardhaceed… ayaa maantay waxaa ii muuqda mid tii ka xun taasoo ah: in General Abdi Cigal Jamac lala soo doontay meel furin dagaal ah waxa ugu weyn oo la rabana ay tahey in isaga iyo Beesha uu ka dhashay la wasaqeeyo biritana sidii General Abdirashiid Gooje iska bax la yiraahdo…….

Wagardhacey miyeydan wax ka baran hab dhaqankii Ina Siyad iyo midka ina Farmajo oo mid ka mideysan taasoo ah in ummadda leydinku diro ka dibna Buul leydinka dhigo..

General Abdi Cigal Jama waxaan lee yahey, Awoowe, Dhuusamareeb waxa isku haya waa maamul qabiil lee yahey iyo ciidan qabiil, kuwii kaa horeeyey Ee Biixi iyo Sanka ayaa loo deyn lahaa biritana sheegan lahaaye, Awoowoow, waxa Ceyr ama Habargidir u dhaxeeya iyaga isku daah….

Waxa ka socda Dhuusamareeb maahan wax qof walba u yaala ee waa wax u yaala hal Beel, Beesha Habargidir aakhirna waa ay ka heshiin eh, Awoowe, dhowrso, walee kii kusoo magacaabay ineysan ka aheyn horumarkaagee.

Mustaqbalku waa birito ee maantay oo Farmajo Gabin ka laadlaado maahan aynu ku dulmaneyn shalay… Abaabulka laga soo sheegayo Dhuusamareeb iyo 21aad maahan mid Abdi Cigaalna wax u goyneysa birito oo waa la ceyrin sidii kuwii hore, anaka isbadalka soo socda ayey naga reebin in aynu qeybtii Mareexaan lahaa hogaamino… Taasna weeye midda nalana rabo ee wax siin iyo lexejeclo ay inoo qabaan nalooma siin kursi kii magacaabey dhamaad yahey ahna furin dagaal ee aynu maskaxda shiilno, Wagardhacey, tollow…

Caam Caam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here