Gaarisa (dayniiile.com)-Koox waraabayaal ah ayaa la soo sheegayaa inay duulaan ku hayaan Tuulada Faafi oo ku dhaw magaalada Gaarisa ee gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.
Dadka degan Tuuladaasi oo u jirta Gaaisa 70-KM ayaa ka cabanaya dhibaatada waraabayaashaasi ku hayaan xili weerarkoodii ugu danbeeyay ay ku dhaawacmeen dhowr qofood halka weerarkii ka sii horeeyayna ay qof ku dileen.
Wararka ayaa tilmaamaya in dhibaatada waraabayaasha lagu qabo ay timid markii biyo la’aan jirta darteed ay noqotay in waraabuhu biyo usoo doonto halka dadka tuuladaasi Faafi ay biyaha ka cabaan.
Lama yaqaan talaabada ay qaadi doonto Dowlada Kenya madaama dadka deegaanku Dowlada taageere kaga baahan yihiin gaar ahaan maamulka Gaarisa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM