MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa isasoo taraya warar dheeraad ah oo ka soo baxaya haweneydii la sheegay inay ninkeeda dishay iyadoo ehelkuna wareysiyo bixiyeen.

Wararka ugu xoogan ee soo kordhay ayaa ah in gacan sedexaad ay jirto oo ku lug leh dilka ninka askariga ah.

Advertisement

Warar laga helay ehalada ayaa sheegaya in ninkaan isagoo daacad ah uu guursday dhawaan haweeneydaan hada la leeyahay iyadaa dishay balse waxaa jira shirqool salka ku haya maxlal.

Nin hore u qabi jirey ayaa la sheegay kaliya inuu rabay in loo maxlalo kadibna uu ku laabto waxaana la waday haweeneyda hada la leeyahay ninkeeda ay dishay .

Waxaa jira warar sheegaga xitaa inay isu hanjabeen intuu noolaa ninka maanta la dilay iyo midka hore u qabay.

Si kastaba waxay ehalada ninka aaminsan yihiin in wiilkooda la isla dilay oo aysan maxquul ahay  inay askari tababaram kaligeed inta ceejiso dili karto.

Haweeneyda sheekada kala furfuri karta rruntana kuna eedeysa  inay ninkeeda dishay ayaa xiran waxayna u badan tahay inay runta sheegto markaasna la soo wada xiri doono cid kasta oo farta ay ku fiiqdo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleShirkadaha Korontada Xamar oo qaatay amarkii Dowlada ee ahaa inay midoobaan
Next articleDowladavl Somalia oo beenisay inay hawada dalka ka celiyeen diyaarad Hargeysa rabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here