Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil Alshabaab ay ugu gasatay degmada Ruun-nirgood Mas’uul ka tirsanaa Degmnadaas.
Wararka ayaa sheegaya in Qarax miino Nuuca dhulka lagu aaso ay kooxda Al-Shabaab ku dileen masuul sare oo ka tirsanaa maamulka degmada Ruun-nirgood, xilli uu ku sugnaa degaanka Daarunicma oo maalin ka hor ay kooxdu qabsatay.
Abuukar Jawiil oo ahaa xoghayihii degmada Ruun-nirgood iyo darawalkiisii ayaa lagu dilay qarax loo adeegsaday miino lagu aasay dhulka oo Al-Shabaab ay meel geliyeen intii ay joogeen deegaankaas, Jimcihii lasoo dhaafay.
Sidoo kale Xaaladda degaanka Daarulnicma ayaa degan, waana khasaare nafeed kii ugu horeeyey oo weerarkii kooxda Al-Shabaab uu sababay, maadaama deegaankaas looga baxay markii laga war-helay weerarkooda.
Nairobi