MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweybnaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay galab qorshuhu ahaa inuu u saro Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa la xaqiijinayaa inuu ka baaqday iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababta baaqashadiisa.
Warar ugu xooggan ayaa sheegaya in cimilada hawada Dalka Mareykanka oo aan wanaagsaneyn darteed Madaxweynuhu u baaqday halka warar kale sheegayaan in Viisaha ama aqbalaada uu waayay waqtigii uu u baahnaa.
Shirka Isniinta ayuu furmayaa waxaana qordhaha uu ahaa inuu Madaxweyne Xassan shir gudoomiyo madaama Somalia ay bishaan madax ka tahay Golaha Amaanka Qaramada Midoobe,waliba taariikh ayay u noqon lahayd Madaxweynaha inuu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo shir Gudoomiyaha fashiga Golaha Amaanka QM.
Madaxtooyada wax war ah kama soo saarin sababta baaqashada shirka QM ee Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyay diyaar garowgiisa ay wabaahintu aad u hadal heysay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
