Wararka Doorashada Soomaaaliya:

Wakiilada Beesha Caalamka ee kusugan Muqdisho ayaa soo gaba gabeeyay goordhaw kulan ay kula lahaayeen XLANE Madaxda shanta maamul goboleed ee dalka.

kulankan ayaa looga wada hadlay xaalada doorashada, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan.

Wakiilada Caalamka ayaa uga digay maamul goboleedyada inaysan uhorseedin wadahadalada inay bur buraan, maadama ay hada yihiin cida kaliya ee haysata sharciyad.

Arintan ayaa la aaminsan yahay inuusan jeclaysan doonin M. Farmaajo maadaama uusan kaqayb gelin isaga, kulankaas muhiimka u ah doorashada iyo masiirka dalka.

Beesha caalamka ayaa bixisa dhaqaalaha ay maamulada ku shaqeeyaan inta badan,

Shirkan wuxuu ku soo aadayaa xili ay Wakiilada beesha caalamku digniin kulul udireen shalay gelinkii danbe Gud. Mursal si uusan carqalad ugu noqon dadaalada socda, taasoo keentay in dib loodhigo kulankii baarlamaanka ee maanta, iyadoo shaki badan uu ku dhex abuuray gudaha xildhibaanada.

Hadaba Madaxda ayaa kulankoodu socdaa maalintii sedexaad iyagoo horay ula soo kulmay Midawga Musharixiinta, iyo Gud. Aqalka sare, goordhaw waxaa kulan kale uu dhexmari doonaa Rw Rooble iyo Madaxda shanta maamul goboleed, siay isula dejiyaan ajandaha shirka soo socda.

Allaw sahal umuuraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here