HomeWarkiiWararka ugu dambeeya ee xaalada Dalka Suuriya

Wararka ugu dambeeya ee xaalada Dalka Suuriya

SUWEYDA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada amaanka ee dalka Siiriya ayaa isku diyaarinaya in ay dib ugu laabtaan magaalada Suwayda ee ay ku badan yihiin qaiilka Druze si ay u joojiyaan dagaalka kasoo cusboonaaday ee u dhaxeeya qabaa’ilka Druze iyo Bedouin.

Dhanka kale Hoggaamiyaha qabaa’ilka Suwayda ayaa ugu baaqay dagaalyahannada gobollada kale inay badbaadiyaan dadkooda,
Qabiilada Bedouin ee la dagaalamayo dagaalyahanada Druze agagaarka magaalada Suwayda ee koonfurta Siiriya ayaa ka codsaday qabaa’ilka kasoo jeeda guud ahaan dalka Siiriya inay yimaadaan oo ay kusoo biiraan dagaalkooda, kadib markii ay halkaasi dib uga bilowdeen rabshado.

” waxaan u jeedinaynaa baaq ku saabsan qabaa’ilka ku nool dhammaan gobollada Suuriya inay si deg-deg ah u tagaan Suwayda si ay dadkeena uga badbaadiyaan xasuuqa iyo isir sifeynta,” ayuu yiri hogaamiyaha beelaha magaalada Suwayda

Sidoo kale Hogaamiyaha wuxuu ugu baaqay reerkiisa inay ilaaliyaan akhlaaqda Islaamka iyo Carabnimada oo aysan cidna weerarin marka laga reebo kuwa iyaga weerara.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay isku diyaarinayaan in ay dib u geeyaan gobolka Suwayda si ay u joojiyaan dagaalka mar kale ka dhex qarxay qabaa’ilka Druze iyo Bedouin.

Suuriya ayaa billowday inay ciidamada dowladda kala baxdo gobolka habeenimadii Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay weerarro ku qaaday Dimishiq iyo fariisimaha ciidamada Suuriya, iyagoo dalbanaya inay dib uga soo laabtaan koonfurta.

ISHA WARKA ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKLA SIYAASADA
DAYNIILE.COMLIVE: Syrian forces to re-enter Suwayda to quell renewed sectarian fighting

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -