Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay, qaar badana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday laba guri oo ku yaalla waqooyiga Qaza.

Muuqaal uu soo duubay wariye ka tirsan Aljazeera ayaa muujinayay baaxadda khasaaraha ka dhashay, iyadoo shaqaalaha gurmadka ay ku howlanaayeen sidii ay gacanta ugu soo saari lahaayeen dadka ku hoos jira burburka.

Advertisement

Weerar kale oo ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qaza guri ku yaalla Jabalia, ayaa la sheegay in tobaneeyo kale lagu dilay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.

Warkan waxaa saacad  ka hor la soo dhigay Aljazeera iyo sidoo kale dhacdooyin kale oo isla saaka lagu beegsaday goobo rayid sida iskuulo oo waiba Yuhuuduna mar kasta sii wadaan mar marsiyadooda iskuulada iyo masaajidka iyagoo ku celcelinaya inay u beegsadeen Xamaas baa gabaad ka dhigtay oo wax cadeyn ah aaney soo bandhigeyn.

=SOURCE ALJAZEERA=

Smoke rises following an Israeli bombardment in the Gaza Strip, as seen from southern Israel , Saturday, Dec. 16

Previous articleBooliiska Haram-Cad oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceelasha biyaha
Next articleBurcad badeeda Soomaalida oo afduubatay Markab sitay Calanka Malta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here