Sacuudi Carabiya ayaa soo dhaweysay codsiga dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee ah in ay shir ku qabtaan magaalada Riyadh dhammaan kooxaha si xal buuxa loogu helo arrintan, iyadoo xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo ay duqaymo ku bartilmaameedsanayaan fariisimo ay ku leeyihiin golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta (STC) ee gobolka Xadramout.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Isbaheysiga STC oo Imaaraatka Carabta uu taageerayo uu ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu ku dhawaaqo afti madaxbanaanida koonfurta Yemen.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in wadahadallada ay raadin doonaan “in la sameeyo aragti dhameystiran oo xal loogu helo arrimaha koonfurta”.
Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay in ciidamadu ay ku sii siqayaan magaalada muhiimka ah ee dekedda ah ee Mukalla.
Dhanka kale, Imaaraadku wuxuu sheegay subaxnimadii hore ee Sabtida inay dhammaan ciidamadooda kala baxeen Yemen.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 
