Ciidanka SSC ayaa la wareegay taliskii ciidamada Somaliland ee Goojacadde ka dib dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood.

Waxaa baraha bulshada la soo geliyey muuqaalo iyo sawiro muujinaya ciidamada SSC oo dhex socda xarunta taliskii ciidamada Somaliland ee Goojacadde.

Advertisement

Ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa saldhigaas ayaa looga taag roonaaday dagaalkii saaka ka qarxay magaalada Laascaanood duleedkeeda.

Sidoo kale gaadiid dagaal iyo maxaabiis ayaa la soo sheegayaa in ciidamada Somaliland looga qabdaday dagaalka saaka.

Goojacadde ka hor ciidamada SSC ayaa la wareegay Maraaga oo ah bar kantrool oo muhim ah oo ku taala wadada laamiga ah ee isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Waxaana goobtaas gacanta ku heyay ciidanka Somaliland, qabashada Maraaga ayaana SSC u fududeysay iney qabsadaan taliskii Somaliland ee Goojacadde.

Dabaaldagyo ayaa ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood kuwaasoo loogu dabaaldagayo qabsashada Goojacadde ee SSC.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Previous articleDowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab
Next articleMadaxweyne Sheikh shariif oo ka walaacsan sida loo dhaqmay beesha Jareer weyn⁸

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here