Wararka inaga soo gaaraya gobolka gal gaduud ayaa waxay sheegayaan in xalay xaaladu deggan tahay kadib markii dagaal culus galabta ka dhacay deegaanka ceel gorof.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyye kadib markii ciidamo beesha murusade oo kusafreesay ceel gorof ay jidka ugaleen xubno katirsan kooxda al shabaab.

Sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysa howlgalkani waxay sheegeen inay ku guuleysteen dagaalkii xalay ceel gorof lagu jebiyey kooxda al shabaab.

Dhinaca kale ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay Wabxo oo ay gudaha ugaleen xilli saacadihii lasoo dhaafay ay ka joogeen duleedka deegaankaas.

Deegaanka Wabxo oo caan ku ah luubaanta la shito,ayaa sidoo kale loo arkaa mid ay dhaqaale badan ka heli jireen al shabaab,inkabadan 10 sano ayeyna maamulayeen.

Wabxo ayaa ah meel muhiim u ah duulaanka lagu xoreynayo ceel buur waxaana hoos yimaada tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin: Warxoolo,warar dhuumale,wara gibile,gumad gal,ceel uul,ceelboore,dhisaqtiir,dab qurun iyo ceel soola.

Waxay beesha murusade sheegeen in hadda kadib ay udhaqaaqayaan ceel buur oo ah mid ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here