QAZA (DAYNIILE.COM)-Falastiiniyiinta ku nool xaafadaha waqooyiga Gaza ayaa ku hareeraysan oo naftooda la cararaya ka dib markii ciidamada Israel ay duullaan dhanka dhulka ah ku qaadeen goobo aan la tegi karin oo hoos yimaada xabbad-joojin uu Maraykanku garwadeen ka ahaa.
Labo dhalinyaro falastiiniyiin ah ayaa ciidamada Israa’iil ku toogteen xaafadda Kafr Aqab ee bariga magaalada Quddus ee la haysto, iyadoo weerarrada dadka deggan iyo askarta ay ku soo badanayaan daanta galbeed ee go’doonsan.
Qof barokacay ayaa askarta Israa’iil ku dileen meel ka baxsan xadka “khadka jaalaha ah” ee xabbad joojinta ee u dhow Khan Younis iyadoo rasaasta madaafiicda iyo burburinta guryaha ay ka socdaan koonfurta Gaza.
Dagaalka Israa’iil ee Xasuuqa Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 69,546 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 170,833 tan iyo October 2023. Wadar dhan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii October 2023-kii, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
