Dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo Jabhadii dhawaan gashay buurta Gacan-libaax ayaa ka dhacay tuulada Dari-maraa oo buurta u dhow ka dhacay, kaas oo soo gaaray xalay Saqdii dhexe.

Sida uu Afhayeen jabhada u hadlay  sheegay, dagaal mudo socday ayaa ka dhex qarxay ciidanka RRU-da Somaliland iyo jabhada oo maalmahanba goobo isku dhow daganaa.

Advertisement

“Anagu dhankeenna  khasaare ma hayno, dhaawac iyo dhimasho toona, xogooda gaari gubtay mooyaane khaasarahooda ma hayno, goobtii ay daganaayeena dib ayay uga kaceen” ayuu yiri afhayeenku.

Waxa uu sheegay in ay is haleen ciidamada Somaliland oo dagan wado buurta ku dhow iyo koox sahan ah oo ciidankooda ka socotay sidaana uu dagaalku ku qarxay.

Ciidanka uu jabhada dagaalku dhexmaray ayaa deegaankan la geeyay kadib markii ay jabhadu afduub u gaysatay saraakiil ciidan iyo odayaal doonayay in ay lasoo hadlaan.

Ilaa iyo hada koox xildhibaano ah ayaa sheegay in ay ka howlgali doonaan qancinta kooxdan kasoo horjeeda xukuumada Somaliland si xaalada loo dajiyo.

Dagaalka u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo Jabhad Gacan-libaax ayaan weli aysan ka hadlin khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray Somaliland, waxaana lagu soo waramayaa in Goobtii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidanka Jabhadda ee kasoo horjeeda.

Previous articleQarax ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya
Next articleKenya oo ku amartay mas’uuliyiinta dowladda in aysan safar dibadda ah iska aadi karin marka ay doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here