Waaberigii hore ee saaka ayaa dagaal xoogan waxaa uu ka dhacay deganka daaru-nicma oo hoostaga degmada Rinol-good ee Gobolka Shabeellaha dhexe Ciidamada katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay ay degaanka weerar ku qaadeen Xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooganaa oo socday ku dhawaad saacad sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Advertisement

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegteen inay la wareegeen degaanka daaru-nicma, isla markaana ay burburiyeen saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaankaas.

Wararka madaxa bannaan ee la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda dagaal ka dhacay degaanka Daaru-nimca kadib ay isaga baxeen, iyaga oo aadan dhinaca degaanka Al-Kowhar, waxaana weli weerarkaas ka hadlin taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Degaanka Daaru-nicma oo hoostaga degmada Runil-good ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay degaannadii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda kala wareegeen Ururka Al-Shabaab oo muddo tobanaan sano ah gacanta ku haayay.

Previous articleMAS’UULIYIIN KA TIRSAN PUNTLAND OO XALLIYAY XIISAD KA TAAGNAYD DEGAANKA BALLI BUSLE
Next articleDeni oo lagu eedeeyay in uu doonayo muddo kororsi dhaqaalana ku bixinaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here