HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo maanta dhacay Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo maanta dhacay Hiiraan

MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Waxaa wali halkiisa ka sii socda dagaalada u dhexeeya Alshabaab iyo macawisleyda Beesha Xawaadle kaasoo mudaba ka taagan xadka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaanka la isku mari la[yahay ee Ceel-hareeri.

Dagaal kale oo xoogan ayaa maanta ka dhacay deegaankaasi waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan xili alshabaab ay awoodi la’yihiin inay halkaasi ka gudbaan madaama ay isku soo urursadeen kaliya inay deegaankaasi ka saaraan macawisleyda reer Hiiraan si ay u gaaraan deegaano hor leh.

Dagaalka maanta wuxuu bilowday kadib markii macawisleyda Hiiraan ay weerar qorsheysan ku qaadeen meel ay alshabaab isku urursanayeen oo dhacda banaanka deegaanka Ceel-hareeri oo Hiiraan ka tirsan.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca iyo hantida la kala qabsaday guud ahaan wax faah-faahin ah lagama hayo.

Warar saxaafadu heshay ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay gacanta sare lahayeen ciidamada macawisledya reer Hiiraan,wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalada maalmihii u danbeeyay sida xiriirka ah u dhacayay in alshabaab badan lagu dilay walow aan tira sugan lahayn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -