25 daqiiqo kahor (21:00 GMT)

Ciidamada Israel ayaa weerarey dad cibaadeysanayay oo ku sugnaa Al Aqsa, markale

Ciidamada amniga Israel ayaa u adeegsaday bambooyin naxdin leh iyo sunta dadka ka ilmaysiisa inay ku weeraraan dad ku cibaadeysanayay xarunta masaajidka Al Aqsa, markale.

Aljazeera Carabi ayaa baahisay in weerarka lagu bartilmaameedsaday dad cibaadeysanayay oo ka baxayay xarunta Albaabka Libaaxyada, kadib markii ay dhammeeyeen salaadii habeenki Ramadaan.

34 daqiiqo kahor (20:52 GMT)

Israa’iil waxay ku jawaabi doontaa ‘xoog weyn’ – Netanyahu

Israa’iil ayaa “xoog weyn” kaga jawaabi doonta weerarada, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha dalkaasi kadib markii Xamaas ay dhowr gantaal ku garaacday Israa’iil.

Benjamin Netanyahu ayaa yiri: “Uma dulqaadan doonno falalka wax u dhimaya dhulkeena, caasimadeena, muwaadiniinteena iyo askarteena.”

“Ciddii na soo weerartana waxay bixin doontaa qiimo culus,” ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ka digay.

Rasaasta laga helay Gaza ayaa timid ka dib markii uu dhamaaday waqtigii Xamaas ee ahaa in Israel la joojiyo weerarada isla markaana ay ciidamadeeda kala soo baxdo xarunta Masaajidka Al Aqsa.

Aljaziira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here