Afhayeen u hadlay jabhadda Oromada ee OLA ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Reuters in markii ugu horaysay ciidamada TDF iyo OLA oo is dhinac socda ay xallay gabal dhicii qabsadeen magaalada Ataye oo 270 km u jirta magaalada Addis Ababa.

Bog ay ku leeyahiin Twitterka jabhadda OLA ayaa lagu daabacay sawiro muujinaya ciidanka TDF iyo kuwa OLA oo wata hub aad u culus oo magaalada Ataye gallaya.

Xooga TDF iyo OLA ayaa hadda ku sii jeeda magaalada Debre Birhan oo ah magaalada ugu weyn gobolka Amxaarada ee ka sokaysa magaalada Addis Ababa marka jihada waqooyiga laga yimaado,

haddii xoogaga isbahaysigu ay qabsadaan magaalada Debre Berhan waxay Addis u jiraan 130 Km oo keliya taasina waxay u sahlaysa inay si fudud u galaan caasimada dalka ee addis

Xoogaga isbahaysiga ayaa 4 jiho oo kala duwan kaga soo wajahan magaalada Debre Birhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here