Qaraxyo ayaa gilgilay magaalooyinka Tel Aviv iyo Tehraan kadib duqeymo labada dhinac dhanka hawada isku dhaafsadeen.
Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan ayaa galay maalintii lixaad maanta oo ah Arbaco xili Iiraan xalay duqeymihii ugu cuslaa u geystay Magaalooyinka Yuhuuda oo la arkayay holaha ka baxayay meelihii ay gantaladu ku dhaceen.
Kooxda gurmadka degdeg ee Yuhuusa ayaa ilaa saaka la arkayay iyagoo la tacaalaya sidii ay u bakhtiijin lahaayeen dabka iyo holaca ay sababeen gantaalada ka imaanayay dhanka Iiraan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Iran ka dalbaday “is dhiibis shuruud la’aan ah”, isagoo leh, “Hadda waxaan si buuxda oo buuxda u haysanaa hawada sare ee Iran.” Maraykanka ayaa sidoo kale diyaarado dagaal oo dheeraad ah geeyay Bariga Dhexe, sida ay wararku sheegayaan.
Marka dhimashada labada dhinac Iiraan ilaa hada waxaa diiwaanka la geliyay inay ka dhinteen 240, oo ay ku jiraan 70 haween iyo carruur ah halka Israa’iil iyagana laga diiwaan geliyay 24 qof inkastoo inta badan khasaaraha Israa’iil la qariyo.
Halkaan ka daawo sawiradii ugu dambeyay ee laga soo qaaday gantaalada Iiraan ku garaacday Israa’iil.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM