Advertisement
Home Warkii Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Itoobiya oo ku sii fiday deegaano hor leh

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Itoobiya oo ku sii fiday deegaano hor leh

Warark

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay rabshadaha kasii daraya ee gobolka waqooyi ee Amxaara kadib markii ay isku dhaceen ciidamada federaalka iyo maleeshiyada deegaanka.

Go’aanka dowladda ay bishii April ku gaartay in la burburiyo ciidamo goboleedyada ay aas-aaseen qaar ka mid ah gobollada ayaa dibad-baxyo rabshado leh ka dhaliyey gobolka Amxaara.

Advertisement

Dadka u dhashay gobolka ayaa ku dooday in tallaabadaas ay wiiqeyso gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya.

Arbacadii tagtay, ra’iisul wasaare ku-xigeen Demeke ayaa sheegay “in dhibaatooyinka amni ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ay noqonayaan kuwo walaac leh.”

“Waxaan joognaa waqti taariikhi ah, oo ay tahay inaan ku baraarugno xaqiiqda ah ‘Haddii aadan nabad helin, wax walba waad waayi doontaa’,” ayuu Demeke ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook, isaga oo aan sheegin dhinacyada ku lugta leh iska hor-imaadyada.

Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha.

“Waxaan qaadi doonnaa tallaabo ka dhan ah kuwa si walba u weeraray ciidankeenna ama fududeeyay weerarka lagu soo qaaday ciidankeenna,” ayuu yiri, isagoo cambaareeyay dagaalyahannada “ku ganacsada magaca ciidan kasta” oo ay ku jirto Fano.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan qaybo ka mid ah gobolka Amxaara, iyagoo u sababeeyay “Rabshadaha sii kordhaya ee Fano ay kula wareegayso goobahaas”.

“Waxaa u dambeeyey garoonka Lalibela oo ay la wareegtay maleeshiyada Fano,” ayay tiri, iyadoo tixraaceysa magaaladan dalxiis, oo ay ku yaallaan kaniisado jiray illaa qarnigii 12-aad iyo 13-aad, islamarkaana ku jira liiska goobaha Dhaxalka Adduunka ah ee UNESCO.

Warbaahinta Itoobiya wax dhacdo ah kama soo werin Lalibela, balse safaaradda Spain ee Addis Ababa ayaa Talaadadii sidoo kale muwaadiniinteeda ku boorisay in aanay u safrin gobolka Amxaara, iyada oo sabab uga dhigaysa “xasillooni darada” ka jirta gobolka.

Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, ilaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada.

Inkasta oo uu jiro heshiiska nabadeed, “ciidamada gaarka ah” ee Amxaarada iyo dagaal-yahannada Fano ayaa weli gacan ku haya Galbeedka Tigray, oo ah meel ay wada sheegtaan Amxaarada iyo Tigray-ga.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii April sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamada goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Previous articleMADAXWEYNAHA PUNTLAND OO QAABILAY SAFIIRKA DOWLADDA ITOOBIYA U QAABILSAN SOOMAALIYA
Next articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo ku wajahan dhuusamareeb & Wafdi hordhac u ah oo gaaray Magaalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here