LOS-ANGELES (DAYNIILE.COM)-Ciidamada amaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah ku riday bartamaha magaalada Los Angeles kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u diray ciidamada ilaalada qaranka si ay u xakameeyaan dibadbaxyada looga soo horjeedo weerarada socdaalka.
Iska horimaadyada ka dhacay agagaarka Dhismaha Federaalka ee Edward R Roybal, Xarunta Asluubta ee Metropolitan iyo Waddada 101 ee Freeway ayaa ku soo beegmaysa maalintii saddexaad ee ololaha socdaalka Trump, iyadoo tobanaan qof, oo ay ku jiraan muhaajiriin aan sharciyeysnayn, la ururiyay.
Trump ayaa sheegay in soo daabulitaankiisa Ilaalada Qaranka ay lagama maarmaan tahay, balse kuwa kasoo horjeeda, oo uu ku jiro gavanaha California Gavin Newson, ayaa sheegaya in ay tahay falcelin xad dhaaf ah oo sii kordhin doonta xiisadaha.
Aqalka Cad ayaa diiday racfaan uu Newsom ka codsaday in la baabi’iyo amarka lagu dirayo ciidamada Ilaalada Qaranka.
XAFIISKA WARARAKA
DAYNIILE.COM
