HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada Dagaalka Iran iyo Israa'iil

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Dagaalka Iran iyo Israa’iil

Saaka oo jimco Iiraan ayaa dhowr gantaal la soo sheegayaa inay ku dhufatay Isra’iil  sidaas oo kale xalay iyo shalay taasoo ka dhigan in dagaalku galay maalintii 8-aad oo xiriir ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa laga soo xigtay inuu  labada toddobaad ee soo socda ku go’aami doonto go’aankooda inay dagaalka bariga dhexe ku biirayaan iyo inkale.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Geneva kula kulmo dhiggiisa Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriiska, si ay uga wadahadlaan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran iyo sidii loo joojin lahaa  Dagaalka bariga dhexe .

Sidoo kale duqeymihii shalay Iiraan ka geysatay gudaha Isra’iil waxaa la soo sheeayaa inay ku dhaawacmeen  200 oo qof mana jirto wax dhimasho ay Yuhuudu sheegteen sidii lagu yaqaanay, balse kaliya waxay intaasi ku dareen 4 ka mida dadkaasi dhaawacoodu daran yahay.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Xisbullah Naciim Qasem ayaa sheegay in dilka hanjabaada ah ee hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei uu yahay gardaamo ka dhan ah dhammaan dadka gobolka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMImage

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -