QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan lix qof oo Falastiiniyiin ah saaka aroortii kuwaas oo raashin ku sugayay meel u dhow goob gargaar oo ku taal al-Akhawah, oo u dhow Rafah ee koonfurta Gaza.
Dilka ugu dambeeyay ee dadka gargaar doonka ah ayaa imaanaya in kasta oo si isdaba joog ah loo furay goobaha gargaarka ee ay taageeraan Mareykanka iyo Israa’iil, taasoo Hay’adda Gargaarka Bani’aadamnimada ee Gaza ay shalay sheegtay inay mar kale xiri doonto.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 54,677 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 125,530, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay ee dhacay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
