HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza ,Iiran iyo Mareykan

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza ,Iiran iyo Mareykan

Ugu yaraan 51 qof ayaa saaka lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza, sida ilo-wareedyo isbitaal ah ay u sheegeen Aljazeera. Ugu yaraan 14 ka mid ah tiradaas ayaa lagu dilay waqooyiga
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Kahmenei ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalabka sida ee dalka waxaana uu sheegay in saldhigyada Mareykanka laga yaabo in mar kale la weeraro hadii ay dhacdo khatar mustaqbalka ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka iyo Iran ay wadahadli doonaan toddobaadka soo socda, iyadoo Golaha Ilaaliyaha ee Iran uu hakiyay wadashaqeyntii UN-ka ee IAEA.
Wasaaradda caafimaadka ee Iran ayaa sheegtay in ugu yaraan 627 qof ay dhinteen in ka badan 4,870 ay dhaawacmeen intii lagu jiray 12 maalmood oo Israa’iil ay weerarro ku qaaday dalkeeda. Ugu yaraan 28 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay Iiraan ku qaadday Israa’iil.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 56,156 qof waxana ku dhaawacmay 132,239, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -