Ciidamada Israel ayaa duqeeyay guri ku yaala magaalada Gaza, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 12 qof, maalin kadib markii ay dileen ugu yaraan 78 falastiiniyiin ah weeraro ka dhacay marinka go’doonsan.
Ugu yaraan 27 qof ayaa maanta lagu dilay magaalada Gaza, kadib weerarro ay Israa’iil ka geysatay guud ahaan dhulka ay go’doomisay.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay u diri doonto gorgortanka Qatar si ay wadahadalo xabbad-joojin ah u yeeshaan, laakiin “wax aan la aqbali karin” oo lagu sameeyay heshiiska ay dalbadeen Xamaas.
Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay dileen ugu yaraan 743 falastiiniyiin ah weeraro ka dhacay goobo ay maamulaan hay’adaha gargaarka ee Qaza oo ay taageeraan Maraykanka iyo Israel (GHF) tan iyo dabayaaqadii bishii May.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 57,338 qof waxana ku dhaawacmay 135,957, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
XAFAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILR.COM