QAZA (DAYNIILE.COM)-Duqaymo dhanka cirka ah oo Israel ay la beegsatay laba dugsi oo Qaramada Midoobay ah oo gabaad ka dhigta dadka Falastiiniyiinta ah ee ka barakacay magaalada Gaza. Ugu yaraan 16 qof ayaa maanta la dilay.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib weerarkii lagu hoobtay ee Israel ka geysatay magaalada Doha todobaadkan.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u taageeray qaraar ku baaqaya in xal laga gaaro labo dowladood, iyadoo 142 cod ay ogolaadeen 10 kalena ay diideen.
Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa sheegay in in ka badan 1.3 milyan oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 350,000 oo carruur ah, ay ku harsan yihiin magaalada Gaza iyo waqooyiga, in kasta oo Israa’iil ay duqaymo hagar la’aan ah ku hayso iyo amarada daadgureynta.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 64,756 qof waxana ku dhaawacmay 164,059 tan iyo October 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka. Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
