QAZA (DAYNIILE.COM)-Haweeney Falastiini ah, oo 62 jir ah, ayay Ciidamada Israel ku dileen marinka Qaza gaar ahaan Deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Qaza kadib rasaas ay si bareer ah ugu dhufteen,sidoo kale rasaasta dad kale ayaa ku dhaawacmay.
Dilka ayaa yimid ka dib markii 10 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada Israel ee ka dhacay Qaza Khamiistii, waxayna ka dhigaysaa tirada Falastiiniyiinta ee la dilay tan iyo xabbad joojintii Oktoobar 452, sida lagu sheegay xogta Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
Dilalkaan Yuhuudu wado ayaa ku soo aadaya xili Mareykanka uu ku dhawaaqay in la bilaabay wajigii labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu guddoomiye u noqon doono waxa loogu yeero Guddiga Nabadda si uu u maamulo Gaza.
Ugu yaraan 71,441 qof ayaa lagu dilay 171,329 kalana waa lagu dhaawacay ciidamada Israa’iil guud ahaan Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023.
Wadar dhan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, 2023, iyo ilaa 200 oo maxaabiis ah.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
