HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada Qaza xili weerarada cirka ay wali ku...

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Qaza xili weerarada cirka ay wali ku socdaan

QAZA (DAYNIILE.COM)-Weerarada cirka ee Israel ayaa ka dhacay gudaha xariiqda jaalaha ah ee koonfurta Gaza iyo sidoo kale magaalada Gaza.

Nin dhalinyaro ah oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaaday xerada qaxootiga Askar ee bariga Nablus, sida ay Aljazeera u sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

Israa’iil ayaa dib u celisay 15 kale oo meydad ah oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa Gaza, taasoo tirada guud ee dadka dhintay tan iyo xabbad joojintii Oktoobar 10 ka dhigaysa 330.

Barakacayaasha Falastiiniyiinta ayaa la daalaa dhacaya ka dib markii roobab mahiigaan ah ay buux dhaafiyeen teendhooyinkooda oo ku yaala xeryo cooshadaha ka sameysan oo ku yaala magaalada Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digayso in xayiraada Israel ee dhanka gargaarka ay keentay in boqolaal kun oo qoys ay waayaan hoy ku filan.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 69,187 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 170,703 tan iyo bishii October 2023. Wadar dhan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray Oktoobar 7, 2023, weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay iyo ilaa 200 oo maxaabiis ah.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMLIVE: Israeli air attacks across Gaza; deadly West Bank raids continue

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -