HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Qaza

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Qaza

epa12525509 A displaced Palestinian child stands outside his family's shelter during a rainy day at a makeshift camp, west of Gaza City, Gaza Strip, 14 November 2025. Around 1.9 million people in Gaza, nearly 90 percent of the population, have been displaced since the Israel-Hamas conflict began in October 2023, according to the UN. EPA/MOHAMMED SABER

QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa ugu yaraan laba Falastiiniyiin ah ku dilay Marinka Qaza xilli Israa’iil ay sii waddo jebinta heshiiskii xabbad joojinta iyo xannibaadda gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahnaa ee la gaadhsiin lahaa xeebaha ay dagaalladu halakeeyeen.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa maanta oo Isniin ah ku warantay in laba qof la dilay ka dib markii ay Ciiddanka Israel rasaas ku fureen Xaafadda Shujaaye ee Bariga magaalladda Gaza.

Dhimashadooda ayaa wadarta guud ee Falastiiniyiinta lagu sheegay in lagu dilay Qaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhigaysa ugu yaraan 12, oo ay ku jiraan 8 meydadkooda laga soo saaray burburka dhulkaas.

Weerarka magaalada Gaza ayaa ah kii ugu dambeeyay ee boqolaal Israa’iil ay ku xad gudubto xabad joojin uu Mareykanku garwadeen ka yahay oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, taasi oo dhaqan gashay 10kii Oktoobar.

Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa Isniintii cambaareeyay Israa’iil “xadgudubyada halista ah iyo kuwa nidaamsan” ee xabbad joojinta, isagoo xusay in maamulka Israel ay jebiyeen xabbad joojinta 875 jeer tan iyo markii ay dhaqangashay.

Taas waxaa ku jira sii socoshada weerarada cirka iyo madaafiicda Israel, burburinta sharci darrada ah ee guryaha Falastiiniyiinta iyo kaabayaasha kale ee rayidka ah, iyo ugu yaraan 265 dhacdo oo ciidamada Israa’iil ay toogasho ku dileen dad rayid ah oo reer Falastiin ah, ayuu xafiisku ku sheegay bayaan.

Ugu yaraan 411 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 1,112 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo markii xabbad joojinta ay bilaabatay, ayay raacisay.

Xaaladaha hoyga oo sii xumaanaya
Dhanka kale, boqollaal kun oo qoys Falastiiniyiin ah oo ku barakacay dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ku hayso Qaza ayaa weli la daalaa dhacaya la’aanta sahayda bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunto, daawo iyo hoy ku filan.

Maaddaama ay tahay awoodda qabsatay Gaza, Israa’iil waxa ku waajib ah sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah in ay bixiso baahiyaha Falastiiniyiinta halkaas.

Laakiin Qaramada Midoobay iyo kooxaha kale ee bini’aadantinimada ayaa sheegaya in ay si nidaamsan ugu guul darraysatay in ay u ogolaato in gargaar aan la carqaladayn la geeyo Gaza.

Xaalada ayaa waxaa sii xumeeyay dabeylo jiilaal oo isdaba joog ah kuwaas oo ku garaacay Marinka todobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo kooxaha xuquuqul insaanka ay sheegeen diidmada Israel ee ah in teendhooyin, bustayaal iyo sahay kale la geliyo Gaza ay qayb ka tahay siyaasaddeeda xasuuqa iyo khatarta nolosha Falastiin.

Isniintii, Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa sheegay in 17,819 baabuur oo keliya ay galeen dhulka 43,800 ee la rabay in la soo geliyo tan iyo markii ay xabbad-joojintu dhaqangashay bishii Oktoobar.

Taasi waa celcelis ahaan 244 baabuur oo xamuul ah maalintii – oo aad uga hooseeya 600 oo baabuur oo Israa’iil ay ogolaatay inay u oggolaato Gaza maalin kasta iyada oo la raacayo heshiiska xabbad joojinta, ayuu yidhi xafiisku.

SOURCEALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM.
Flooding hits displaced Palestinians’ tents after heavy rain in Gaza

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -