QAZA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa markii labaad 24 saac gudahood kulan ay wada yeesheen kaga hadleen xabbad joojin laga gaaray Gaza, balse ma muuqato wax horumar ah oo laga gaaray.
Ciidamada Israa’iil ayaa weli sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza, iyaga oo garaacaya xero qaxooti kadib maalin weerar ay ku dhinteen ugu yaraan 95 Falastiiniyiin ah.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dhibaatada shidaalka ee Gaza ay sabab u tahay go’doominta Israa’iil ay gaartay “meel xasaasi ah” ayna sababi doonto dhimasho iyo dhibaato hor leh oo ka dhacda dhulka Falastiin ee go’doomiyay.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 57,575 qof, waxaana ku dhaawacmay 136,879, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weeraradii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
