HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada Qaza

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Qaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada cirka iyo dhulka ah ee ay ku hayaan Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 55 falastiiniyiin ah guud ahaan dhulka la go’doomiyay tan iyo waaberigii, sida ay ilo caafimaad u sheegeen Al Jazeera.
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa si kulul u weeraray qorshaha Israel ee barakicinta ballaaran ee Falastiiniyiinta ee ku wajahan Rafah ee koonfurta Gaza.
Dhakhaatiirta cisbitaalada ugu waaweyn Gaza ayaa sheegay in nolosha in ka badan 100 caruur ah oo aan qaan gaarin iyo 350 bukaan oo sifeyn ah ay halis ku jirto sababtoo ah shidaal yari ka dhalatay go’doominta joogtada ah ee Israel.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay waqtiga xabad joojinta, isagoo sheegay inay jirto “fursad aad u wanaagsan” oo heshiis lagu gaaro Gaza todobaadkan ama soo socda, laakiin Xamaas ayaa sheegtay in wadahadalada Qatar ay ahaayeen “mid adag” sababtoo ah madax adaygga Israel.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 57,575 qof, waxaana ku dhaawacmay 136,879, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii Oktoobar 7, 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE : ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -