Ciidanka Israa’iil ayaa laba jiho ka riixaya bartamaha magaalada Gaza, dadka deggan oo ku qasbaya dhanka xeebta si ay uga saaraan guud ahaan magaalada.
Afhayeenka ciidamada Israel Nadav Shoshani ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Khamiistii in ciidamada lugta, taangiyada iyo madaafiicda ay ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada, oo ay taageerayaan ciidamada cirka, ujeedaduna tahay in cadaadis lagu saaro kooxda hubaysan ee Xamaas.
Hani Maxamuud oo Aljazeera ka tirsan ayaa sheegay in milatariga Israa’iil ay ka soo baxayeen waqooyi-galbeed iyo koonfur-bari, “in ay dadka dhex-sandeeyaan” oo ay u riixayaan dhanka galbeed ee magaalada, halkaas oo ay ku taallo waddada xeebta ee al-Rashid ee koonfurta.
“Weerarrada lagu qaaday xaafadaha dadku ku badan yihiin waxay keenayaan argagax iyo cabsi, waxayna dadka ku riixayaan inay naftooda u baxsadaan. Waxaan aragnaa mawjado dad ah oo hadda sameynaya,” ayuu yiri, isagoo ka warbixinaya Nuseirat ee bartamaha Gaza.
Dadka ku sugan magaalada Gaza ayaa Al Jazeera u sheegay weeraro aan kala joogsi lahayn, oo ay ku jiraan “duqeymo dhanka cirka ah oo ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha dagaalka” iyo qaraxyada “Robots” ee meelaha fog laga hago – gawaari aan wadin oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ciidamada Israa’iil ay u daad gureeyeen si ay u qarxiyaan xaafadaha marka ay gudaha u soo galayaan.
Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay magaalada Gaza Khamiistii, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
