Dadka degan magaalada Qaza ayaa sheegay in lagu hayo duqaymo culus oo aan kala joogsi lahayn iyadoo ay jiraan warar sheegaya in milatariga Israa’iil ay bilaabeen duullaankooda dhulka ah si ay u qabsadaan bartamaha magaalada ee waqooyiga.
Ugu yaraan 41 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay marinka Gaza tan iyo waaberigii.
Hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxayna cambaareeyeen weerarka “fulaynimada ah” ee Israa’iil ay ku hayso Qatar iyo sidoo kale “xasuuqa” ay ka waddo Gaza.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 64,871 qof waxana ku dhaawacmay 164,610 tan iyo Oktoobar 2023.
Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka, Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.

