QAZA (DAYNIILE.COM)-Laba mataano ah oo lix jir ah oo ka mid ahaa 25 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel saaka ku qaadday magaalada Gaza.
Iyadoo weerarrada Israa’iil ay sii xoogeysanayaan, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa wacad ku maray in Washington ay siin doonto ‘taageero aan kala go’ lahayn’ Israa’iil si ay u gaarto yoolkeeda Gaza.
Qatar ayaa maanta magaalada Dooxa ku martigelinaysa hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah si ay jawaab wadajir ah uga bixiyaan weerarkii ay Israa’iil ku qaadday caasimadda usbuucii hore.
Ugu yaraan 16 dhismo ayay ciidamada Israa’iil ku burburiyeen magaalada Gaza shalay. Weeraradooda waxaa ku dhintay 53 Falastiiniyiin ah.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 64,871 qof waxana ku dhaawacmay 164,610 tan iyo Oktoobar 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka. Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
