HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada Qaza xili 1.5 Milyan ay gar-gaar degdeg...

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Qaza xili 1.5 Milyan ay gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin

QAZA (DAYNIILE.COM)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 1.5 milyan oo Gaza ku nool ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, iyadoo Falastiiniyiinta ku laabanaya guryahooda ay sheegeen inay dhex joogaan guryihii oo burbursan islamarkaana ku duruufeysan yihiin walow dhanka raashinka ay sidii dhaamaan tan iyo markii heshiiska xabad joojinta la galay.

Kadib kulan ay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar ku yeesheen kooxaha kala duwan ee Falastiiniyiinta, Xamaas waxay sheegtay inay isku raaceen in la sameeyo guddi farsamo oo madax-bannaan oo maamula Gaza dagaalka ka dib.

Diblomaasi sare oo Maraykan ah Marco Rubio ayaa diiday ku lug lahaanshaha labada UNRWA iyo Xamaas ee mustaqbalka Gaza isagoo booqasho ku jooga Israel si uu u kormeero xabad joojinta.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu lagu dilay ugu yaraan 68,280 qof waxana ku dhaawacmay 170,375 tan iyo bishii Oktoobar 2023.

Wadar dhan 1,139 qof ayaa laga dilay Israa’iil intii lagu jiray Oktoobar 7, 2023, weerarrada, iyo ilaa 200 oo maxaabiis ahna waa laga qabtay Yuhuuda inkastoo heshiiska dhawaan la galay lagu sii daayay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMLIVE: UN says 1.5M in Gaza need aid, Israel blocks borders despite ceasefir

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -