HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xaalada reer Qaza

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada reer Qaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 17 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan lix gargaar-doon ah, ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee guud ahaan Gaza tan iyo waaberigii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad oo la hadlay Al Jazeera.

Dhanka kale, tirada dhimashada la xiriirta gaajada ayaa gaartay 348, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Ciidamada Israel ayaa meel u dhow xerada qaxootiga Shaati ku dilay haweeney uur leh iyo cunug ay caloosha ku jirtay, xilli ay sii wadayaan weerarada bahalnimada ah ee ay ku hayaan magaalada Gaza.

Falastiiniyiinta ayaa weli ka qaxaya ciidamada Israa’iil ee ku sii siqaya magaalada Gaza, halkaas oo ilaa hal milyan oo qof ay gabaad ku jireen, inkastoo aysan jirin meel ammaan ah oo ay aadeen.

Israa’iil waxay dishay ugu yaraan 63,557 qof, 160,660 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka ay ku hayso Gaza. Wadarta 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar, 2023-kii, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMLIVE: Israel kills 17 Palestinians in Gaza since dawn

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -