QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa weli sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan Qaza, iyagoo dilay labo caruur ah weerar ay ku qaadeen xarun dugsi oo ku taal magaalada Gaza, maalin kadib markii ay dileen 43 falastiiniyiin ah oo ku yaala marinka Gaza.
Sidoo kale Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa lagu dilay qof dumar ah kuwa kalena ku dhaawacay xaafadda Sabra ee magaalada Gaza.
Difaaca madaniga ah ee Falastiin ayaa sheegay in ku dhawaad kala bar dadka magaalada Gaza, ama ilaa 450,000 oo qof, ay ka carareen aaggaas tan iyo markii Israa’iil ay billowday howlgalkeeda ugu weyn halkaas bishii Agoosto.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in Gaza ay la kulmeyso “heerkii ugu xumaa ee dhimashada iyo burburka” ee uu arkay intii uu noolaa, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inaysan “cabsi gelin” Israa’iil.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu lagu dilay ugu yaraan 65,141 qof waxana ku dhaawacmay 165,925 tan iyo bishii Oktoobar 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos aasan yihiin burburka. Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii October, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
