GAZA (DAYNIILE.COM)-Weerarada Israel ee Gaza tan iyo waaberigii ayaa dilay ugu yaraan 21 qof,Israa’iil waxay burburisay dhisme kale oo dheer oo ku yaal magaalada Gaza, taasoo ka dhigaysa tirada dhismayaasha la burburiyay intii lagu jiray ololihii ay ku doonaysay inay ku qabsato xarunta ugu weyn ee magaalada marinka Gaza ugu yaraan 50.
Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan magaalooyinka ku teedsan Daanta Galbeed ee la heysto, iyagoo dhanka kale xir xiraya Falastiiniyiinta, isla markaana burburinaya dhul iyo hanti.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo xal u wanaagsan Gaza, saacado kadib markii uu soo saaray waxa uu ugu yeeray “digniinta ugu dambeysa” ee Xamaas.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 64,368 qof waxana ku dhaawacmay 162,776 tan iyo Oktoobar 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka. Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
