HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay ee xasuuqa lagu hayo shacabka reer Qaza

Wararkii ugu dambeeyay ee xasuuqa lagu hayo shacabka reer Qaza

LIVE: Israel kills 21 Palestinians across Gaza, 5 in al-Mawasi ‘safe zone’QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka fulisay Gaza tan iyo waaberigii, sida ay ilo-wareedyo ku sugan isbitaallada Gaza u sheegeen Al Jazeera.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah shan qof oo ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ku qaadeen teendhooyin ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Qaza, dad badan oo barakacayaal ah oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Aagga, galbeedka magaalada Khan Younis, ayaa loo malaynayaa inay tahay aag nabdoon, laakiin waxaa si joogto ah u haleelay weerarrada militariga Israa’iil.

Dhanka kale waxaa wali gaajo iyo naaqo daro u dhimanaya caruur reer Qaza ah madaama ay aad ugu adagtahay inay heleen cunto joogto ah ,waxaa u sii dheer duqeymaha lagu hayo ee cir iyo dhul ah tasoo mararka qaar keenta in shacabku u qaxaan hadaba meeshii ay is leeyihiin waad ku bad-baadaysaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -