Trump ayaa sheegay inuu marinka Hormuz ka dhigi doono dhul ay leedahay Mareykanka “dhawaan,” iyadoo isla markaasna uu diyaarinayo tallaabooyin dhaqaale oo culus si uu Iran ugu qasbo inay joojiso dagaalka.
Iyadoo laga jawaabayo hanjabaadda Trump ee ah inuu la wareego marinka Hormuz, ayaa ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Kazem Gharibabadi, wuxuu sheegay in marinkaasi uu ahaan doono mid ay leedahay Iran, isla markaana ay sii socon doonto fulinta xayiraadda ilaa uu Mareykanku qirto guuldarada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Heshiiskii Islamabad uu ahaa “dhammaadkii dagaalka, ee uusan ahayn xabbad-joojin,” isagoo tilmaamay in Mareykanku uu jebiyay heshiiskaas, dagaalkuna uu dib u bilowday, taas oo meesha ka saartay jiritaanka xabbad-joojin 60-maalmood ah oo la kordhin karo.
Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Ansar ee koonfurta Lubnaan maalintii Sabtida, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
