HomeWarkiiWararkii ugu dambeeyay Israa'iil oo maanta xasuuq u geysatay shacabka reer Gaza

Wararkii ugu dambeeyay Israa’iil oo maanta xasuuq u geysatay shacabka reer Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Weerarrada cirka ah ee Israa’iil ay ku qaaday xaafadda al-Tuffah ee magaalada Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah, sida laga soo xigtay ilo caafimaad.

Ilo wareedyo ku sugan cisbitaalada Qaza ayaa Aljazeera u sheegay in ugu yaraan 60 falastiiniyiin ah lagu dilay maanta weeraro ka dhacay marinka Gaza.

Dilkan ayaa imaanaya maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in xabad joojin laga gaaro Qaza “todobaadka soo socda gudahiisa”.

Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa sheegay in muujinta warbaahinta Israel ee ah in askarta lagu amray inay “si ula kac ah u toogtaan” falastiiniyiinta gaajeysan ee doonaya saadka gargaarka inay caddayn dheeraad ah u tahay “dambiyada dagaal” ee Gaza.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 56,412 qof, waxaana ku dhaawacmay 133,054, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
LIVE: Israel kills 60 in Gaza, search for survivors in Gaza City continues

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -