Dagaal culus ayaa degmada Diinsoor oo katirsan Gobolka   Baay waxaa uu ku dhex-maray Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka ATMIS IYO Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro kala duwan oo soo gaaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab weerar hoobiyeyaal ku billowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee kuyaalla Afaafka hore ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dhinacyada dagaalay iyo dad rayid ah oo ku sugan degmada Diinsoor.

Saraakiil katirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ee ka howlgalla degmada Diinsoor ayaa sheegay in xaalada degmada Diinsoor ay tahay mid degan, isla markaana raggii weerarkii hoobiyeyaasha ah soo qaaday dib loo celiyay.

Al-Shabaab oo dhankooda weerarka sheegtay ayaa sheegay inay tiro hoobiyeyaal ah ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Itoobiya, balse aysan sheegin khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee weli dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan Ciidamada Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here