Magaalada Baydhabo waxaa maanta ku wajahan madaxda sare ee dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo shir xasaasi ah halkaasi uga furmayo.
Shirka oo looga hadlayo amaanka, siyaasada, Dastuurka, dagaalka Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha ayaa furmaya maalinimada beri ah, iyadoo garoonka Baydhabo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta madaxda oo saacadaha soo aadan la filayo.
Afhayeenka madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim ayaa goordhow qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in Baydhabo ay marti galineyso Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee madaxda isugu imanayaan
“Waxaa Maanta Magaaladda Baydhabo oo ah Xarunta kumeel gaarka Dowladda Koonfur Galbeed soo gaari doono Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Baydhabo waxay marti gilin doontaa Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo Maalinta berito ka furmi doono Magaaladda” ayuu yiri madaxa warfaafinta madaxtooyada Koofur Galbeed.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uusan ka qeyb galeynin shirka, wuxuuna ku andacooday khilaafka kala dhexeeya Axmed Madoobe iyo madaxweyne Xasan oo shirka xaadir ku ah.
Si kastaba, amniga guud ee Baydhabo ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadada dheer ee isku xirta garoonka ilaa madaxtooyada lagu soo daadiyay ciidan kala duwan, iyadoo hakad la galiyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka.