Aroortii hore ee saaka ayaa Xubno katirsan Al-Shabaab waxaa degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi ee degaankaasi Ceelbaraf, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Faah faahinta weerarka ay Risaala ka hesshay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen Ciidamada Burundi, isla markaana Askar farabadan oo katirsan Ciidamada Burundi ay weerarka ku dhinteen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in mararka qaar la maqlayo jug culus oo loo maleynayo inay tahay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsanayo Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weeraray Saldhiga Ciidamada Burundi ee degaanka Ceelbarafa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugnaa degaanka Ceelbaraf ay isaga baxeen, waxaana istaagay isku socodka dadka iyo Ganacsiga degaanka Ceelbaraf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here