Khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar gawaari laga soo buuxiyay wayaabaha qarxa loo adeegsaday iyo dagaal toos ah oo Al-Shabaab saaka ay ku qaadeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warramaeen in ilaa laba Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Saldhigyada Ciidamada ee degmada Galcad, waxaaa halkaasi ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weerarka iyo dagaalka tooska uu ku dhintay Taliye ku-xigeenka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo kamid ahaa Saraakiisha hoggaamineysay howlgallada.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaan weli ka hadlin dagaalka, balse Al-Shabaab ayaa ku sheegtay warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka inay weerarka kula wareegeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here