Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa xalay qeyb kamid ah la wareegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka.

Ciidamada oo iskaashanayay oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaano dhow Guriceel ayaa gudaha u galay Magaaladaas, iyagoona la sheegay inay qabsadeen qeybo kamid ah Magaalada oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca .

Guddoomiyaha Guriceel, Anas Cabdi Macalim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka oo ay la socdaan Maamulkii Magaalada inay la wareegeen inta badan gacan ku heynta magaalada, iyagoo aan la kulmin iska caabin.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa baahisay in Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ay isaga baxeen Saldhiga Magaalada Guriceel oo ay ku sugnaayeen todobaadyadii lasoo dhaafay, iyadoo la tilmaamay inay halkaas la wareegeen Ciidanka Galmudug.

Ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya in Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug qabsadeen Magaalada Guriceel, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay oo kaliya in xiisad kacsanaan ah laga dareemayo Magaaladaas oo labada dhinac ay is hor-fadhiyaan.

Dadkii degaanka ee Guriceel ayaa intooda badan isaga barakacay Magaalada, isla markaana aaday degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, kadib markii Maamulka Galmudug uu sheegay inay awood kula wareegi doonaan Magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka la helayo sheegaya in laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo maalmihii dambe is hor-fadhiyay, waxaana xaaladda ay tahay mid kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here