Waxaa saaka degan xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay ilaa xalay muddo 12 saacadood ka badan ay ku dagaalmayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa ku dhintay saraakiil kala duwan oo katirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa xoogaga Ahlusunna iyo askar farabadan oo kor u dhaafeysa ilaa 20.

Wararka saaka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dhinacyada dagaalamay ay weli isku hor-fadhiyaan degmada Guriceel, isla markaana ay kala joogaan Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada.

Dadka yar ee ku haray Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah, sidoo kalena laga cabsi qabo in dhinacyadu ay markale dagaalaamaan maadaama aysan jrin cid ku kala dhex jirto.

Xaaladda Guriceel ayaa xilligaan waxaa ay tahay mid aan wanaagsaneyn, waxaana badi dadkii deganaa ay ku barakaceen daafaha magaalada si ay uga badbaadaan hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here