HomeWarkiiDuqeyn saraakiil sare Al-shabaab looga dilay oo ka dhacay Gobolka Sh.hoose

Duqeyn saraakiil sare Al-shabaab looga dilay oo ka dhacay Gobolka Sh.hoose

AFGOOYE (DAYNIILE)-Wararka laga helaayo Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in duqeyn culus lala eegtay deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ku dhawa magaaladaasi.

Duqeymahaan ayaa lala eegtay Alshabaab fariisimo ku leh halkaasi xili sidoo kalana dagaal toos ahna ay bar bar socdeen.

Duqeymaha waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamka sida Mareykanka halka dagaalka dhulka ahna ay wadaan ciidamada Dowalda Somalia si alshabaab looga saaro deegaanadaasi.

Wararka horu dhac ah ee aan helnay ayaa sheegaya in Saraakiil sar sare Alshabaab looga dilay duqeymaha maanta inkastoo faahfaahin aan laga helin tirada saraakiishaasi.

Masuuliyiin Dowlada u hadlay ayaa sheegay in dagaalka tooska ah ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Alshabaab walow warar madax banaan aan wali laga helin.

Shalay dagaalo culus ayaa sidaan oo kale uga dhacay aagaga deegaabada Sabiib iyo Caanoole oo mar kasta oo Alshabaab laga saaro hadaba ay ku soo noqonayaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -